Iyadoo
ay wajahayaan duruufo adag oo dhanka nolosha ah qoysas badan oo reer Suuriya
ah, haddana Ibraahim Xamaher oo 10 jir ah ayaa subax kasta u ka laha shaqo dhagax
jabin ah, si uu ugu maareeyo nolosha qoyskiisa.
Qoyska
Xamamer ayaa ka qaxay weerarrada taliska uu ku hayo baadiyaha gobolka Xalab ee
waqooyiga Suuriya, waxayna gabaad ka dhigteen teendho ku taal baadiyaha gobolka
Idlib.
Hamaher
, walaalihiis iyo waalidkii ayuu kula nool yahay xerada "Karim" ee ku
taal baadiyaha Idlib, waqooyi galbeed ee Suuriya.
Waxa
uu sharraxay in uu walaalkii kala shaqeeyo meel dhagaxa miinada lagu burburiyo;
si uu masruufka qoyskiisa uga soo saarto, halkii uu aadi lahaa dugsiga sida
carruurta kale.
“25 dhagax maalintii waxaan ku jabinaa lacag
dhan 1.5 dollar, markii aan jabiyana waxaan ku raraa gawaarida”.
Isaga
oo hadalkiisa sii watana waxa uu yiri, “Waxaanu la halgamaynaa in aanu ku
noolaano duruufo adag, anagoo burburinayna dhagax miisaankiisu yahay 50-60
kiiloogaraam”.
Wuxuu
sheegay in aabihiis "uusan awoodin inuu shaqeeyo sababtoo ah waa ruux
xanuunsan."
Waxa
uu hadalkiisa ku soo gunaanuday: Waxa kaliya ee aan nolosha ka rabo waa in aan
nolol maalmeed ka helo, waxa aan rabaa in aan ku noolaado nolol hufan oo aan
wax barto. Aabbahay wuu jiran yahay, haddaanan shaqaynna qofna ma shaqayn
karo”.
Bishii
Maarso ee la soo dhaafay, UNICEF ayaa bayaan ay soo saartay ku shaacisay dilka
iyo dhaawaca ku dhawaad 12,000 oo carruur ah gudaha Suuriya, tan iyo markii
uu dagaalka ka qarxay halkaasi, 10 sanno kahor.
Comments
Post a Comment