Wuxuu ahaa lacib kubadda Cagta ah ---- Maantana qashin-qubka ayuu wax ka cunaa
Cabdimuncin Maxamed  oo 79 jir ah wuxuu yaraantiisii jeclaa kubadda
uuna ka daawan jiray televeshinka cayaaraha koobka adduunka. Xilli uu
dhiganaayay fasalka lixaad ee dugsiga hoose ayuu bilaabay cayaarista kubadda
cagta. 
Ninkan ayaa u soo cayaaray naadiyo kala duwan
oo ka dhisan dalalka carabta, gaar ahaan dalkiisa Urdun. 
"Waxaan xubin ka ahaa xulka qaranka Urdun,
waxaana fursad u helay inaan ka ciyaaro dalal kala duwan sida Ciraaq, Suuriya,
Lubnaan iyo Masar.” ayuu yiri. 
Wuxuu tilmaamay inuu u soo cayaaray Naadiga Al
Ahli muddo ku siman 12 sanno, duruufaha nololeed ee qoyskiisa oo ku adkaaday
awgeed iyo yaraanta mushaarkii uu qaadan jiray ayaa ku qasabtay inuu kubadda
iyo waxbarashada ba isaga haro si uu u raadiyo il dhaqaale. 
“Aniga ayaa ahaa qofka kaliya ee awooday inuu
qoyskeyga masruufo, maanta, waxaan lugeeyaa masaafooyin dhaadheer anigoo
raadinaya wax aan quuto. Waxaan tagaa suuqyada, meelaha haamaha qashinka lagu
shubo, iyo goobo lagu ururiyo qashinka, si aan uga faa’iideysto waxyaabaha la
dayacay sida bacaha. Waan soo ururiyaa, kala soocaa, kadibna si habboon ayaan u
iib geeyaa si aan nolol ugu helo aniga iyo qoyskeyga.” Ayuu raaciyay
hadalkiisa. 
Saddexdii bil ba mar ayuu helaa 48 dollar, taas
oo ah mid aan ku filneyn nolol ahaan. 
"Lacagta aan ka helo shaqadan adag waxaan
u adeegsadaa in aan ku daryeelo walaashey oo la daalaa-dhaceysa cudurka
kansarka. Aniga iyo qoyskayguba waxaan ku noolnahay duruufo adag oo nolol-xumo ,
xitaa fikradda guurku ma soo galin maskaxdayda sababta oo ah waxaan ku
suganahay xaalad aan waxba la haynin.
Sawirkayga kaliya wuxuu ku yaal gidaarka
guriga – ma lihi sawirro kale oo aan xasuus ahaan u hayo. Runtii, waxaa la I
siin jiray bilado iyo abaalmarinno markii aan ciyaarayay, balse ma haysan meel
aan ku keydiyo. Sidaas darteed, marar badan waxaan u dhiibi jiray dadka kale.
Ayuu yiri. 
Cabdimuncin ayaa xusay in nolosha ay maanta ku
sugan yihiin ay tahay mid liidata — waxyaabaha asaasiga u ah nolosha ee dadku
caadiga u haystaan ayuu tilmaamay in aysan heysan sida, gaas-ka cuntada lagu
karsado, qaboojiye, qasaalad uu dharka ku dhaqdo iyo in kale oo howlaha  fududeeya. 
“Kubadda cagta kaliya waxay  dhistay, jirkayga iyo maskaxdeydaba. Waxay iga
caawisay in aan helo xoogaa nolol ah iyo xasilooni nafeed. 
Weli rajo ayaan qabaa. Waxaan rabaa in aan sii
shaqeeyo — waayo shaqo la’aantu waa mid aan la aqbali karin. Hadafkaygu waa in
aan mar kale ku laabto tababarka kubadda cagta, waxaana leeyahay awood iyo
niyad aan taas ku gaari karo." Ayuu hadalkiisa ku soo gunaanuday. 
Waa mid dhacda In la dayaco dadka qaramadooda
kaalin wax ku ool ah u galay ayna helin badi garab istaagii ay mudnaayeen, kaliyana
ma ahan Cabdimuncin kuwa lagu dayacay duruufaha nololeed ee ku geedaaman. 
Comments
Post a Comment