Marka
ay xaaladan oo kale dhacdo, waxa ay lammanaha sidan oo kale u kala da’weyn
warkooda kamid ah in da’du tahay uun tiro.
Sheekada
jaceylka ee 22 jir la yiraahdo Claudine iyo David oo 76 jir ah waa tusaale
nool, waxa uu ka weyn yahay 56 sanno gacalisadiisa dhallinyarada ah.
Dadka
ayaa ku qalda gabar iyo awoowgeed ama Aabbe iyo gabadhiisa, lammaanahan
jaceylku isku soo jiiday ayaa is bartay sannado kahor, waxay jaceyl wadaag
yihiin muddo afar sanno.
Qisada
jaceylkooda mar ay ka faalooneysay ayaa waxa ay tilmaamtay in marnaba aysan
rumeysan karin qof ay waalid ahaan u ixtiraami jirtay, madama uu yahay qof
da’ahaan ka weyn, in mar uun ay xiriir jaceyl wada yeelan doonaan ay ku noqotay
wax filan waa ah.
Saaxibbadeed
ayaa kula taliya inay iska dhaafto waayeelka ay calmatay, iyaga oo sabab uga
dhigaya in waqtigiisu yahay qariib yahay oo uu dhiman rabo, kaligeedna ay ku
cidloobeyso murug iyo shaley, balse dhago leyr u duleela ayay warkooda
qaadisay.
‘‘Wax
uu iga dhigay mid faraxsan, had iyo goorna wuu i kaxeeyaa, sidaasi weli ninna
iima sameyn’’.
Waxay
intaa raacisay gabadhan 22 jirka ah, in waalidkeed aysan marna caqabad ku noqon
xiriirkeeda iyo dooqa jaceylkeeda, lammaanahan ayaa dhawaan lagu wadaa inay
aqal galaan.

Comments
Post a Comment