Da'yar la nool xanuunka Autism-ka oo qaatay shahaadada Diktooraaga( PhD).

 


"Autism-ku maaha cudur ee waa kala duwanaansho," ayuu yiri Karim Ben Abdessalam, oo ah da’yar Moroccan ah oo qaba cudurka Autism-ka, kaas oo shahaadadiisa doctoraaga ka qaatay Jaamacadda Mohammed shanaad ee Rabat, isaga oo intaa ku daray in naafanimadu aanay ahayn caqabad, balse ay tahay mid dhiiragelinaysa dadka go'aansada inay gaaraan dalabaadka ugu weyn.

Benabdelsalam waxa uu intaa ku daray, "Waxaan nahay dad go'aan leh, naafanimaduna marmarsiiyo uma aha daciifnimada iyo guuldarada, laakiin waa fursad dhab ah oo heer sare ah iyo ka hortagga dhibaatooyinka."

Ben Abdessalam oo 31-jir ah waxa uu shahaado dikrooraaga ee xagga caqiidada iyo diimaha samaawiga ah ka qaatay Kulliyada adabka iyo culuumta bani’aadamka ee jaamacadda Mohammed V ee Rabat.

Benabdelsalam waxa uu sheegay in tani tahay guul cilmiyeed laga gaaray da'dan gaarka ah

ay muujinayso in qofka qaba Autism-ka, uu awood u leeyahay in uu abuurto mustaqbal oo uu helo shahaadooyin cilmiyeed oo dadka awooddooda caafimaad tahay mid buuxda aanay awoodin mararka qaar inay gaaraan.

Bin Cabdul Salaam waxa uu tixgeliyey in tijaabadiisa shakhsi ahaaneed ay tahay mid u taagan fariin dhiiragelin ah oo loogu talagalay dhammaan dadka la nool Autism-ka iyo dadka baahiyaha gaarka ah qaba si aanay meel ugu xirmin caqabadaha oo ay bixiyaan duruus cusub oo ku saabsan dulqaad iyo go'aan qaadasho.

Isagoo ka hadlaya safarkiisii waxbarasho iyo caqabadaha uu la kulmay, Bin Cabdil-Salaam wuxuu yiri, "Waddadu ubaxyo ma daadsaneyn, Waxana uu la kulmay dhibaatooyin dhowr ah marxaladihii hore ee daraasadda.

Waxa uu intaa ku daray in arrintu ay is beddeshay markii uu shahaadada jaamacadeed qaatay oo uu u gudbay waxbarasho jaamacadeed.

Sida laga soo xigtay warbaahinta Morocco, Karim Ben Abdessalam wuxuu ku qaatay shahaadada darajo sare.

Ma jiraan tirokoob rasmi ah oo lagu sameeyay tirada dadka uu cudurkani ku dhacay dalka Marooko, balse ururada rayidka ayaa ku qiyaasay kumanaan qof.

Caqabadihii kala duwanaa ee uu la kulmayay saamayn kuma yeelan go’aankiisii ​​iyo rabitaankiisii ​​ahaa in uu guul gaaro, waxa uu awood u yeeshay in uu ka gudbo dhammaan dhibaatooyinka oo uu dhammaystiro dariiqiisii ​​waxbarasho, sidaas ayuuna ku noqday qofkii  ugu horreeyay oo da’yar ah oo u dhashay Morocco oo qaba xanuunka Autism-ka ee qaata shahaadada diktooraaga.



Comments