La kulan - 10 jirka Cayilkiisu gaaray 100kg

 


Aalaaba waa ruuxa ugu dambeeya marwalba oo ay Isla ordayaan ilmaha qeyrkiisa ah. Laakiin waa qofka Ugu horreysa subax walba oo iskuulka xaadira. Sababtuna waa inuu saacad kahor waqtiga xiisadaha uu ka jarmaado gurigiisa si ardayda kale aanay uga horumarin.

Kani waa 10 jirka  la yiraahdo Kelever kaas oo culeyska jirkiisu gaaray 100 kg.

Cayilkii kusoo bilowday habeenkii uu caloosha hooyadiis uga Soo baxay isaga oo 5 kg wuxuu bilo kaddib gaaray 15-20 kg.

Dhaqaatiirta iyo waalidku walwal badan kama aanay muujin jirin xaaladdiisa waxayna ula ekeyd mid kasoo reyn doonta mar un.

Xaqiiqduse waxay tahay, Kelever waa canuga qura ee ka cayilan ilmaha la dhashay oo dhan.

In kasta oo sheedda kore aad moodayso qof weyn oo la cayaaraya ilmaha, haddana waxaa dhacda in qaar kamid ah faca ay Isla korayaan ay ka da' weyn yihiin.

Hayeeshe waa xiisaha iyo jaceylka uu u qabo inuusan lumin saaxiibtinimadooda iyo dheesha kala dhaxaysa midda ilowsiinaysa caayda iyo aflagaadada uu kala kulmo oo hadda aan in badan ahayn wax dhegihiisa ku cusub.

Maxaase loogu yaabayaa? Xaqiiqdii kuweenna cayilku boobay ayaa caddeyn nool u ah inaysan af macaan ku qabin bulshadooda.

Kelever ahaan, kaliya ma aanu kusoo bixin qof muuq ahaan ka duwan inta kale, wuxuu sidoo kale kusoo baxay nin adag oo dusha u rita hadallada NACA iyo meel-kadhaca h

Hooyadiis waxay sheegtay in wiilkeedu lumiyay fursadihii xaaladdiisa lagula tacaali lahaa saboolnimo awgeed. Laakiin walwalka Ugu weyn ee hadda heysta uu yahay in haddii aan daweyn caafimaad oo horumarsan loo helin uu ku naafoobi karo cayilka ku baahaya.

Marar badan waxaynu cayilka u aragnaa doorasho iyo deeq Alle, balse waxaa muhiim ah in la fahmo in kolkol la arko in jirka dadka qaar u diyaarsan yihiin inay cayilka gacmo furan kusoo dhaweeyaan.

Comments