La kulan - Ninka Biyaha ka Caagan muddo 20 sano ah.

 


Saddex ilaa Shan beri waa muddada uu qofku joogi karo biyo la'aan. Laakiin ninka aad u jeedaan wuxuu sheegtaa inuusan cabin wax biyo ah muddo 20 sano ah.

Tuulada fog oo dhacda miyiga fog ee dalka Burundi ayuu ku nool yahay ninkan oo xurriyadda socodka iyo dad la joogga xiisaynaya taniyo markii laga Soo daayay xabsi uu muddo ku dhow 20 sano ku xirnaa.

Isaga oo ladane ganacsade ah ayuu ku dhacay shirqool lagu wanjalay kaas oo Ugu dambeyntii dhaxalsiiyay Inuu biraha gaalshiraha gadaashooda ku sugnaado gu'yaal badan.

Waana markaas kolkii ay Ugu dhawayd oo uu si fiican ula qabatimay la qabsiga biya-cabid la'aanta.

Sidaas darteed kolkii laga Soo daayay jeelka, wuxuu sii joogteeyey dhaqankiisa qariibka ah. Waxa kaliya oo biyo ka warqab noqon Kara oo uu dhuunta Mariyo waa qudaarta oo Sida xaqiiqda ah ay ku badan yihiin dareerayaasha jirka kobciya.

Waa mid kamid ah dadka aaminsan Rastafarian ka oo ah caqiido ka timid isku barxidda diimaha Yuhuudda iyo Masiixiyadda. Waana sababta uu timaha u deystay aadna uu u xiiseeyo dhegeysiga muusiga. Dadka u yimaada ama kuwa la jooga ayuuna ku maaweeliyaa.

Dadka caanka ah ee tima-deysashada ku gaaroobay waxaa kamid ah Bob Marley.

Si kastaba, ma ahan qofkii koowaad ee la sheego ama sheegta inuu ka caagan yahay biyaha.

Xaqiiqduse waxay tahay in shey walba oo dunida saaran oo noole iyo ma noole isugu jira aysan sinnaba uga maarmin biyo. Waana halka laga fahmi karo aayadda uu Eebe ku leeyahay waxaanu ka yeelnay biyo wax kasta oo nool.

Comments