Nin lagu xukumayo in uusan Israel ka bixi karin ku dhawaad 8000 sanno

 


Maxay tahay sababta Nin u dhashay Australia loogu xukumay in uusan Israel ka bixi karin ku dhawaad 8000 sanno?

Nin u dhashay Australia oo lagu xukumay in uusan Israel ka bixi karin ku dhawaad 8000 sanno.

44-jirka lagu magacaabo Noam Huppert, tan iyo sannadkii 2013, waxa laga mamnuucay in uu ka dhaqaaqo Israel inta laga gaarayo sannadka 9999-ka, markii lagu eedeeyay in uusan bixin qarashkii la siin lahaa carruurtiisa.

Sanadkii 2013, Huppert waxaa lagu xukumay inuu bixiyo qiyaastii $3.34 milyan si uu u masruufo carruurtiisa ilaa ay ka gaarayaan da'da 18-jirka. Wuxuu ka tagi karaa Israa'iil haddii uu bixiyo lacagtaasi, haddii kale, wuxuu Israa'iil sii joogi doonaa 7,977 sano oo kale.

Qofna si dhab ah uma garanayo sababta sanadka 9999 loo doortay laakiin waxay u muuqataa in tani ay tahay taariikhda ugu badan ee nidaamka kombiyuutarku aqoonsan doono.

Huppert waxa uu Israel yimid sannadkii 2012-kii si uu ula xiriiro labada carruur oo ay u dhashay xaaskiisa hore. Carruurtu waxay xilligaas kala jireen saddex bilood iyo shan jir

Waaxda Arrimaha Dibadda iyo Ganacsiga ee Australia way diiday inay faallo ka bixiso.



Comments