"Dabaasha
oo aad barataa waad ku badbaadi kartaa haddii uusan waqtigaaga gelin", waa
sheekada wasiir ka tirsan golaha wasiirada Madagascar, kaasi oo muddo 12 saac
ah dabaalanayay si uu u gaaro xeebta.
Isniintii
ayaa diyuradda kuwa qumaatiga u kaca ah oo uu saarnaa Serge Gelle ku burburtay
badda jasiirada ku taala waqooyi-bari
dalkaasi.
Isagga iyo
nin boliis ah oo ka badbaaday burburka waxey aroortii talaadada gaareen xeebta
magaalada Mahambo, kaddib muddo 12 saac ah oo ay dabbaalaneyn badda.
Gelle, oo
57-jir ah ayaa kasoo muuqday muuqaalkan oo ku baahay baraha bulshada, isaga oo
leh waqtigeyga ayaa wax ka ka dhinaayeen, dhaawac ma qabo waxaanse ka cabanayaa
qaboob darran.
Laba ruux
oo ku wehlinayay socdaalka oo kormeer ahaa ayaa weli la baadi goobayaa, lamana
oga waxa sababay burburka diyaaradda helikobtarka ah ee uu saarnaa wasiirka.
Taliyaha
booliska Madagascar, Zafisambatra Ravoavy, ayaa la hadlayay wakaaladda wararka
ee AFP ayuu u sheegay in qaar ka mid ah waxyaabaha ka caawiyay wasiirka inuu ka
badbaado shilkaasi ay tahay inuu yahay nin sport, uuna helay kursiga
diyaaradda, kaasi oo uu adeegsaday sida qalabka dabaasha oo kale.
General Gelle, ayaa bishii tagtay ee August loo magacaabay xilka wasiirka boliiska,
kaddib tubaneeyo sano oo uu hayay shaqada boliiska.
Comments
Post a Comment