Dedaal, adkaysi, go’aan qaadasho iyo sabar, Islam Al-Juduuc oo u
dhalatay Urdun oo soddon jir ah ayaa u suurtagashay inay shahaadada
doctorate-ka ka qaadato Jaamacadda Urdun oo ay ku takhasustay waxbarashada gaarka
ah, in kasta oo ay maqalka naafo ka tahay, haddana marna kama quusanin
hadafkeeda. 
Naafonimadu ma aysan ka horjoogsan doonisteeda oo waxay awooday in
ay ka gudubto si ay u gaarto hadafkeeda iyo himiladeeda. 
Dr. Al-Juduuc waa haweeneydii ugu horreysay ee u dhalatay dalka
Urdun ee qaadatay shahaadadan iyadoo naafo ka ah maqalka, waxayna xaqiijisay
inay doonayso inay ku guulaysato hammigeeda ku aaddan inay wax ka beddesho
hab-dhaqanka iyo fikradaha la macaamilka dadka maqalka naafada ka ah.
Al-Juduuc waxay heerka dugsiga hoose iyo sare ku baratay dugsi gaar
ah oo loogu talagalay dhagoolayaasha, oo qiyaastii 40 kiiloomitir u jira
hoygeeda, waxaana safarkeeda ku wehlin jirtay walaasheed oo iyaduna naafo ka ah
maqalka.
Guusheedii dugsiga sare waxay ahayd caqabadii ugu horreysay uguna
waynayd nolosheeda, intaa kaddib waxay waxbarashada gaarka ah ka bilaawday
jaamacada Urdun, dedaal iyo adkaysi ayay ku sii waday waxbarashadeeda. 
Dadka naafada ah waxay la kulmaan caqabado kala duwan - ayay tiri
Al-Jouda - oo ay ugu badan tahay aragtida bulshada ee dareensiisa in ay ka
hooseeyaan, "nasiib darro, tani waxay ku riixdaa dad badan oo naafo ah
inay go'doomaan oo ay ka fogaadaan dadka, iyo inay waxbarshada iyo shaqadaba
diidaan. 
Waxay tilmaamtay in hay’aduhu diidaan inay shaqaalaysiiyaan dadka
maqalka naafada ka ah, oo ay kahor istaagaan inay helaan fursado shaqo oo la
mid ah kuwa uu lixaadkoodu u dhammeystiray Eebbe, halka dadka naafada ahi ay
leeyihiin awoodo kala duwan, sida inay kaxeeyaan baabuur iyo inay maamulaan
shaqada oo ay qabtaan howlo sare, sida ay sheegtay Al-Juduuc.
In kasta oo ay hooyo u tahay laba carruur ah, haddana waxay awood u
yeelatay in ay isku wado shaqada, waxbarashada jaamacadda iyo howsha guriga,
waalidkeed, walaalaheed iyo Seygeeda waxay ka qayb qaateen guusha ay gaartay. 
Al-Juduuc waxay guursatay nin ay qaraabo yihiin oo isna maqalka
naafo ka ah, waxayna u dhashay laba carruur ah oo lixaadkoodu u dhanyahay,
waxayna rajeynayaan mid saddexaad.
Al-Juduuc waxay tiri “Ninkayga waxa uu igu taageeray waxbarashada,
waxa uu iga caawiyay daabacaadda iyo diyaarinta cilmi-baadhisyo aan sameynaayay,
Waxa uu waqtigiisa ku bixiyay sidii aan u raadin lahaa buugaag iyo tixraacyo
cilmiyeed iyo soo saarista waxa cilmi-baadhistu u baahan tahay, hooyadayna
waxay iga caawisay daryeelka carruurta.”
Dadaalkeedaan mira dhalay wuxuu sidoo kale farriin wacyigelineed u
dirayaa dadka naafada ah, taaas oo muujineysa in yoolkooda ay ka miro dhalin
karaan iyaga oo aan waxba ka duwaneyn bulshooyinka ay la nool yihiin. 
Comments
Post a Comment