Waxa uu heystaa Shahaadada Masterka, haddana wuxuu ka shaqeeyaa
qubuuraha, Mahdi Ramadaan Shacbaan waa wiil dhallinyaro ah oo ay xaaladda
adduun ku adkaatay, kaddib markii uu waayay meel uu kaga shaqeeyo cilmigii uu
bartay. Waa Falastiini, Marqaatiga labaad ee jaamacadda ka heystaa Luqadda
Carabiga. 
“Dunidu waxay wax u dhistaa si ay u horumariso nolosheeda, annagana
hadaanu nahay reer Gaza, nolosheennu waxay ku baaba’day dhulka korkiisa, waxaan
qodeynaa dhulka hoostiisa si aan uga soo saaranno wixii aan cuni laheyn”, Ereyadan
kooban ee xanuunka leh waxaa yiri Mahdi oo da’da labaatanaad ku jira , kaas oo
ka shaqeeya qodista xabaallo ku yaalla waqooyiga Marinka Gaza.
Mahdi oo dhashay 1993-kii, waxa uu la shaqeeyaa Aabihii iyo
walaalkii ka yar oo la yiraahdo Maxamed, waxay si wadajir ah uga howl-galaan qabuuraha
Al-Faluja ee xerada qaxootiga ee Jabalia, oo ah tan ugu dadka badan Marinka
Gaza.
"Muddo shan sanno ah, waxaan ka shaqaynayaa xirfaddan, si aan
aabbahay uga caawiyo inuu bixiyo baahiyaha qoyskeenna oo ka kooban toddobo ruux."
Ayuu yiri Mahdi. 
Mahdi waxa uu ka qaataa halkii xabaal qiyaastii lix dollar, waxa uu
yiri “afar cisho xabaal ma qodin, hal shilinna jeebkayga ma gelin”.
Qodista iyo diyaarinta xabaasha ayaa lagu qiyaasay ilaa $105,
waxayna qiimo ahaan ugu baxdaa agabka wax lagu dhiso, in yar oo ka mid ah ayaa
u harta dadka qodaya.
Waxa uu kala dhinac shaqeeyaa Aabihiis iyo walaalkiis ka yar, ma
ahan mid uu ka xishoodo qabashadeeda, balse wuxuu ku taamayaa in mar uun uu
fursad u helo howsha macallinimada oo uu xiiseynayo. 
"Waxaan naftayda u dareemaa sidii shimbir aan baalal lahayn,
sababtoo ah ma awoodo inaan bixiyo kharashka waxbarashada oo aan helo
shahaadadayda si aan u dhammeeyo dariiqa riyadeyda iyo abuurista nolol
wanaagsan," ayuu yiri Mahdi. Waxaase uu hamminayaa in uu dalbado deeqo
waxbarasho si uu u helo shahaadada PhD-da.
Qoyska Mahdi waxay ku nool yihiin guri yar oo aan dhammeyn150 mitir
oo laba jibbaaran oo ku yaalla magaalada Beit Lahia (waqooyiga marinka Qaza),
waxaana gurigan uu ku waxyeeloobay dagaalladii kala duwanaa ee dhexmaray
Falastiin iyo Yahuudda.



Comments
Post a Comment