Aabe u dhashay dalka Itoobiya oo dhalay 11 carruur ah, ayaa noqday mid aad looga hadal hayo baraha bulshada, kaddib markii uu jaamacad iska diiwaan geliyay isagoo 69 sanno jir ah.
Isaga oo agoon ku noqday da’yar, Tadesse Ghichile, wuu sii wadan kari waayay waxbarashadiisa tooska aheyd.
Hadda, waxa uu dhiganayaa Jaamacadda Jimma ee galbeedka dalka Itoobiya, halkaas oo uu rajeynayo in uu ka qaato shahaadada caafimaadka.
Tadesse Ghichile waa beeraley, marka uusan ku guda jirin howsha beerista ah, wuxuu ka shaqeeyaa kafateeriyada tuuladiisa si uu u masruufo qoyskiisa.
Haddana si uun buu u helay waqti uu ku galo - oo uu ku gudbo - imtixaankii gelitaanka jaamacadda qaranka.
10 sanno kahor ayay ahayd markii uu go'aansaday inuu dib u bilaabo waxbarashadii rasmiga ahayd, taasoo uu uga soo baxay fasalka sideedaad geeridii waalidkii kaddib.
Muddo dheer waxaa ku adkayd in uu ku noqdo waxbarashada, kaddib markii uu qoys yeeshay. Laakiin mar uu soo noqday, wuxuu go'aansaday in uu arko ilaa dhammaadka.
Hadda, waxa uu ku biiray mid ka mid ah jaamacadaha ugu waaweyn dalka itoobiya.Warbaahinta ayuu u sheegay in uu taageero badan ka helay ardaydii ay is barteen dhowrkii sanno ee la soo dhaafay, uuna rajaynayo waxa soo socda.

Comments
Post a Comment