Aabbahan wuxuu muddo 23 sanno ah garbihiisa ku sidaa wiilkiisa si uu uga ilaaliyo dhaawacyo iyo dhibaatooyin caafimaad.
Axmed Maxruus wuxuu la nool yahay cudur dhif ah oo saameeya
lafaha, xaalad keenta in lafta qofku si fudud u jabto, oo ay sidoo kale u
wehliso arag la’aan Sababtaas awgeed, wuxuu ahaa qof aad ugu nugul dhaawacyada,
isla markaana u baahnaa daryeel gaar ah.
Ma awoodo inuu socdo dhowr mitir, sabab la xariirta xaaladda
caafimaad ee dhanka lafaha uu wajahayo. 
Axmed oo xaafidul Qur’aan ah ayaa ku guuleystay inuu ku biiro
kulliyadda usuusha diinta ee Jaamacadda Al azhar, taas oo ah mid uu rajeynaayay
illaa yaraantiisii. Wuxuu tilmaamay in nimcooyinka uu Rabbi ku galaday aadanaha
ay kamid tahay inuu qofku heysto qoys kaalmeeya, qoyskiisa ayuu xusay inay tan
iyo yaraantiisii ay garab buuxa u yihiin. 
Axmed oo ay hal kulliyad wax kawada bartaan walaalkiis wuxuu
ka helaa garab, si wadajir ah ayay u aadaan iyaga mooto ku tagaya.
Aabbaha Axmed wuxuu wiilkiisa ugu  qaadayay garbihiisa meel kasta—isbitaalada,
masaajidda, suuqa iyo meelaha kale ee lagama maarmaanka ah—si uu u siiyo nolol
badbaado leh oo sharaf leh.
Dad badan oo ay gaartay sheekada qoyskan ayaa ku bogaadiyay
kaalmadooda joogtada ee wiilkooda, taas oo gaarsiisay inuu xaqiijiyo guulo
badan.  Waxay ku tilmaameen astaan u
taagan jacaylka runta ah ee waalidka iyo adkeysiga bini’aadamka.
Dadka la dhacay dulqaadka iyo naf-hurnimada qoyskan ayaa u
soo jeediyay bulshooyinka inay ku daydaan si ay carruurtooda xaaladaha ay ku
jiraan aysan ugu cidleyn. 
Ubadka oo ah deeq rabbi uu ku galado addoomihiisa qaar ayaan
haddiyadaas u dhowrin sidii aheyd in ay uga soo baxaan. 
Comments
Post a Comment