Dadka cayilan oo la baadi goobayo

 

Meel kasta oo ay dadweynuhu ku kulmaam iyo waddooyinka waxaa la dhigay xirfadlayaal caafimaad oo raadinaya dadka cayilan. Ololaha lagu baadi goobayo dadkaasi waxaa horkaceysa Wasaaradda Caafimaadka Turkiga oo billowday ololahan qaran oo aan horey loo arag, kaas oo loogu magac daray “Ogow miisaankaaga, kuna nooloow caafimaad”, oo loogana gol leeyahay in lagula tacaalo cayilka guud ahaan dalka.


Ol’olahan ayaa lagu cabbirayaa Miisaanka Jirka ee ugu yaraan 10 milyan oo qof, iyadoo goobaha dadweynaha sida fagaarayaasha, xarumaha ganacsiga, saldhigyada basaska iyo garoomada ciyaaraha, lagu rakibayo miisaamo iyo qalab lagu cabbiro miisaanka iyo dhererka dadka. Waxaa la filayaa in howshan la dhammeeyo marka la gaaro 10-ka bisha ina soo aadan ee Luulyo 2025.

Howlgalkani wuxuu ka socda dhammaan 81-da gobol ee dalka Turkiga, iyadoo shaqaalaha caafimaadka ee dowladda ay cabbirayaan miisaanka iyo dhererka dadka maraya goobahaas. Qof kasta oo BMI-giisu gaaro ama ka bato 25 ayaa loo gudbinayaa xarumaha caafimaadka qoyska iyo rugaha caafimaadka nolosha, si uu u helo la-talin cunto iyo dabagal caafimaad oo bilaash ah.

Ujeedada ol’olahan ayaa ah in sare loo qaado wacyiga bulshada ee la xiriira halista cayilka, isla markaana la dhiirrigeliyo qaab nololeed caafimaad qaba — gaar ahaan xilligan ay sare u sii kacayaan heerarka cayilka ee Turkeyga. Sida laga soo xigtay xogta Ururka Caafimaadka Adduunka (WHO) ee sannadkii 2023, ku dhowaad 30% bulshada Turkiga ayaa la daala dhacaya cayil.

Si kastaba ha ahaatee, ol’olahan ayaa dhalinaya dood ballaaran. Dad badan ayaa dareensiinaya in cabbirka lagu sameeyo goobaha fagaareyaasha uu yahay mid dhaawacaya asturnaanta shakhsiga, isla markaana ay dad badani dareemi karaan ceeb iyo xishood. Waxaa sidoo kale la dhaleeceeyay in ol’oluhu iska indhatiray caqabadaha dhaqaale sida sicir-bararka cuntada iyo mushaharooyinka hooseeya — taasoo keentay in ay adkaato in dad badan helaan cuntooyin caafimaad leh.

Dhinaciisa, Wasiirka Caafimaadka Turkiga, Kemaal Mamişoğlu (Kamaal Mimishoolo ), ayaa si daacad ah u qirtay in isaguba uu kamid noqday dadka cayilan, kaddib cabbir lagu sameeyay magaalada Ankara. Wuxuu sheegay inuu bilaabi doono socod maalinle ah si uu ugu tallaabsado nolol caafimaad leh.

Ol’olahan ayaa imaanaya xilli Turkiga uu wajahayo culays dhaqaale oo xooggan, iyadoo sicir-bararka sannadlaha ahi oo gaaray ilaa 38%, taasoo sii adkaynaysa in bulshadu hesho xulashooyin cunto oo caafimaad leh oo la awoodi karo.

Cayilka ayaa noqday dhibaato caafimaad oo baahsan oo caalami ah. Sida laga soo xigtay WHO, in ka badan 1.9 bilyan oo qof ayaa cayilan, halka ku dhowaad 650 milyan ay la ildaran yihiin cayil xad-dhaaf ah.

Meelo badan oo Soomaaliya ka mid ah, cayilku waxaa loo arkaa "barwaaqo" ama calaamad muujinaysa qof ladnaan heysta, taasoo dadka qaar ka dhigaysa inay si ula kac ah u raadiyaan miisaan sare.

Cayilka ayaa lala xariiriyaa cudurrada macaanka, cadaadiska dhiigga, iyo xanuunnada wadnaha. Waa muhiim in la helo cunto caafimaad leh, jimicsi joogto ah, siyaasado dowladda ay ku dhiirrigeliso nolol caafimaad qabta iyo wacyigelin bulsho oo isku dheellitiran si looga hortago in cayilku noqdo dhibaato caafimaad oo baahsan.

Comments