Go’aan cusub oo si weyn looga falceliyey ayaa ka soo baxay maamul degmo, kaas oo si rasmi ah u mamnuucaya dhaqashada diiqyada gudaha xaafadaha. Ujeedada go’aanka ayaa lagu sheegay in lagu ilaalinayo nasashada iyo xasilloonida dadweynaha deegaanka.
Go’aankan, oo uu
saxiixay guddoomiyaha degmada Bednayel ee waqooyiga dalka Lubnaan, Salaaxudiin
Al-Ayuubi, ayaa yimid kaddib cabashooyin isdaba joog ah oo ay soo gudbiyeen
dadka deegaanka, kuwaasoo ka cawday qaylada diiqyada ee waaberiga hore.
Maamulka degmada ayaa ku tilmaamay qayladaasi mid khalkhal gelinaysa nidaamka
guud ee xaafadaha, taas oo u baahan in si sharci ah wax looga qabto.
Guddoomiyaha
degmada, oo dhowaan xilka la wareegay, ayaa tilmaamay in go’aankani qeyb ka
yahay dadaallada lagu horumarinayo tayada nolosha dadka deegaanka. Wuxuu xusay
in qaylada diiqyada ay noqotay dhibaato joogto ah oo si gaar ah u saameyneysa
dadka nasashada iyo hurdada u baahan. Sidaas darteed, go’aanku wuxuu si cad u
mamnuucayaa dhaqashada diiqyada gudaha xaafadaha si loo ilaaliyo deganaanshaha
guud.
Bayaan kasoo
baxay maamulka degmada ayaa lagu yiri:
“Iyadoo laga
duulayo baahida loo qabo in la ilaaliyo nasashada dadka deegaanka iyo nidaamka
guud, waxaa si rasmi ah loo mamnuucay in gudaha degmada lagu haysto diiqyo ama
la maqlo qayladooda. Waxaan si xushmad leh uga codsaneynaa dadka dhaqda
digaagga in ay go’aanka u hoggaansamaan, iyagoo ixtiraamaya danta guud iyo
deris wanaagga.”
Maamulka degmada
ayaa dadka aan u hoggaansamin siiyay 10 maalmood oo ay go’aanka ku dhaqan gelin
karaan, waxaana la sheegay in tallaabo sharci ah laga qaadi doono cid kasta oo
aan ka jawaabin go’aankaas marka waqtigaasi dhammaado.
Go’aanka degmada
Bednayel ma uusan dhaafin baraha bulshada, iyadoo si degdeg ah ay dadku uga
falceliyeen, kana bixiyeen faallooyin isugu jira kaftan, yaab iyo dhaleeceyn.
Qaar ka mid ah dadka isticmaala baraha bulshada ayaa ku tilmaamay “go’aanka ugu
yaabka badan ee abid ka soo baxa degmo ka tirsan Lubnaan”, halka qaar kalena u
tiiriyeen xaaladda adag ee dalka ka jirtay tan iyo 2019.
Dalka Lubnaan oo
wajahaya dhibaato dhaqaale oo baahsan tan iyo sannadkii 2019, ayaa dhaqashada
digaagga — oo diiqyadu ka mid yihiin — u noqotay il dhaqaale oo muhiim u ah dad
badan oo noloshooda ku tiirsan. Taas ayaana sababtay in go’aankaasi noqdo mid
muran badan dhaliya.
Inkasta oo
go’aammada aan caadiga ahayn ee ay degmooyinku gaaraan aysan ahayn wax cusub oo
ka dhaca Lubnaan — iyadoo horey loosoo saaray amarro la xiriira mamnuucista
sigaarka ama xiridda goobaha habeenkii lagu caweeyo — hadana mamnuucista
dhaqashada diiqyada ayaa dad badan soo jiidatay, maadaama ay si dhow ula
xiriirto dhaqanka iyo nolosha miyiga ee reer Lubnaan.

Comments
Post a Comment