Tuulo yar oo ku taalla gobolka Telangana ee koonfurta Hindiya, gabar sagaal jir ah ayaa iskuulkan dhigata iyada oo kaliya. Waa Iskuul ay dowladdu leedahay, kuna yaalla tuulada Narapanenipalle, waxaa si gaar ah loogu furaa Keerthana—waana iskuulka kaliya ee noociisa ah guud ahaan gobolka.
Inkasta oo gobolka Telangana uu leeyahay in ka
badan lix milyan oo carruur ah oo aadda waxbarashada, haddana tirada ardayda
iskuulkan dhigata ayaa si aad ah hoos ugu dhacday sannadihii la soo dhaafay.
15 sanno ka hor, iskuulkan wuxuu lahaa ku dhawaad
70 arday; haddana tiradiisu aad bay hoos ugu dhacday, gaar ahaan iyadoo
waalidiin badan ay u wareegeen iskuullo gaar loo leeyahay ama dugsiyo hoy leh
kadib fasalka afaraad .
Sidoo kale dhalmada tuulada waa yaraatay,
taasoo qeyb ka ah sababta hoos u dhaca ku yimid tirada ardayda iskuulkan.
Waxbarashada waxay Keerthana u bilaabataa sagaalka
barqonimo, waxaana ay marka hore dhigataa Ingiriis, waxaa ugu xiga Telugu, kaddibna
waqtiga nasiinada ee bareegga, marka ay ka soo noqoto waxay qaadataa xisaab iyo
cilmiga deegaanka. 
Uma Parvathi waxay halkan timaadaa maalin
kasta, si ay wax u barto Keerthana, waxay tiri, “Waxbariddu waa isku mid haddii
aad 10 arday, 20 arday ama hal arday aad wax bareyso, hab wax dhigistu ma ahan
mid isbeddesha.”
“Markii hore waxaan u heysanay inay sabab u
tahay hoos u dhaca dhalmada tuulada, si kastaba sannad ba sannadka xiga waxaan
ogaanay in carruurtu u weecanayaan dugsiyada gaarka loo leeyahay.” ayay
raacisay hadalkeeda. 
Iskuulkan wuxuu noqday tusaale gaar ah
maadaama uu leeyahay hal arday oo keliya, sidaas darteedna dowladdu way sii
wadaysaa in uu sii furnaado – haddii la xiro hal mar, mar kale dib loo furmayo
way adkaan doontaa.
Kharashka sannadlaha ah ee iskuulka waxaa lagu
qiyaasaa inuu gaarayo $14,000, si uu howlgalo.
Si loo soo jiito carruurta tuulada waxay
dowladdu abuurtay mashruuca waan baran karnaa, si loo dhiirrigeliyo
isdiiwaangelinta ardayda ee iskuulkan. 
Dowladda waxay wadaysaa ololeyaal guulaysi ah
si loogu qanciyo waalidiinta inay ilmahooda iska diiwaangeliyaan – hadafku waa
in ugu yaraan 25 arday iskuulka la yimaadaan sannad dugsiyeedka soo socda.
Barnaamijyada kor loogu qaadayo tayada
waxbarashada iyo horumarinta xirfadaha macallimiintana waa la sii xoojin
doonaa, si ardayda loo siiyo kalsooni iyo fursad isku mid ah.
Keerthana way sii dhigan doontaa iskuulkan sannado
kale, “ haddii iskuulka la xiro mar qura, way adkaan doontaa in dib loogu furo
ardayda, sidaa darteed aabbahey ayaa go’aansaday inaan halkan wax ku barto,
waxaan iskuulkan sii dhigan doonaa inta aan ka idleynaayo fasalka toddobaad ee
dugsiga dhexe, kaddibna waxaan u gudbi doonaa dugsiga sare.”
Sheekadan ayaa si weyn loogu faafiyey baraha
bulshada waxaana loo arkaa mid dhiirrigelinaysa—dad badan, kuwas oo amaanay
go’aanka aabaha Keerthana ee ahaa in la sii wado iskuulka. 
Khubarada Cilmi-nafsiga waxay ka digeen in
ardaygu marka uu keligiis wax barto uu halis ugu jiro dhibaatooyin dhanka
horumarka bulsheed iyo dareenka shucuureed.

Comments
Post a Comment