Ma ku dhiirran kartaa inaad ilmahaaga oo bilo jira inaad ku riddo barkadda dabaasha?
Qaar baa sameeya... natiijaduna waa mid layaab leh!
Salma waxay bilowday tababarkeeda dabaasha iyadoo 5 bilood
jir ah. “Waxaan ku ogaannay Kaptan Maxamed bogga internetka,” ayay tiri
hooyadeed. “Laakiin annaga horey ayaan u aaminsanayn in ilmaha dhasha uu
dabaasha bilaabi karo tan iyo maalinta koowaad ee dhalashadiisa. Xitaa aabaheed
wuxuu rabay in la geeyo dabaasha maalintii labaad ee ay dhalatay.”
Waxaa jirta akadeemi si gaar ah ugu takhasustay baridda
dabaasha ee dhallaanka. Ilmaha ayaa laba jeer usbuucii qaata tababar, iyadoo
bishii laga qaado ku dhowaad $90.
Ilmuhu waxay ka helayaan faa’iido maskaxeed iyo mid jireed,
cunugga ayaa dareemaya in uu yahay qof go’aan, qiimo iyo awood leh, iyadoo
weliba uu baranayo xirfad cusub isagoo aad u yar.
Dabaasha ayaa si weyn u xoojisaa difaaca jirka, waxaa kale oo
ay muhiim u tahay ka-hortagga musiibooyinka, sida ilmaha yar oo si lama filaan
ah ugu quusa barkadda dabaasha ee guryaha, taas oo haddii uusan aqoon dabaasha
naftiisa halis gelin karta. 
Dhammaan tababarayaasha waxay soo mareen koorsooyin gaar ah
oo ay bixisay akadeemiya Ruush ah, taasoo micnaheedu yahay in aanay jirin qof
aan tababar gaar ah haysan oo la shaqayn kara dhallaanka.
Tababarayaashu waxay ilmaha baraan dhaqdhaqaaqyo badan: waxaa
la dhaqaajiyaa gacmaha iyo lugaha ilmaha— taasoo maskaxdooda si tartiib ah ugu
kaydinaysa dhaq-dhaqaaqa dabaasha. Markii xasuustu kobcdo, ilmuhu wuxuu
bilaabaa in si kalsooni leh u dabaasho.
Ujeeddadu kama aha oo keliya in ilmaha lagu koriyo caafimaad
iyo jir-dhiska murqahooda, balse akadeemiyadda waxay rajaynaysaa in carruurtu ay
sii wataan dabaasha illaa ay ka gaarayaan da’da 18 sanno, taasoo ka dhigi karta
in ay ka qaybqaataan tartamada dabaasha ee heer qaran iyo mid caalami ah.

Comments
Post a Comment