Maxay dadka deggan tuuladan aragga u la’yihiin badankood?

 

 


Haweeneydan aragga ayay la’dahay, haddana waxay midddi ku jarjareysaa hilib iyo basal,  si ay qoyska ugu kariso raashiinkii ay cuni lahaayeen, waa howl adag marka loo eego xaaladeeda naafonimo. Tuuladan waxaa degan qoysas badankood indha la’.

Dali Kamba waa tuulo yar oo ku taalla dhulka saxaraha ah ee bariga fog ee Mauritania, una jirta 60km magaalada Timbidhka. Waa deegaan aysan dadkiisu ku noolayn nolol caadi ah, balse ay la tacaalayaan indho la’aan dhaxal ah oo jiilba jiil u gudbeysa.

Waxaa dhif ah in qoysaska ku nool tuuladan uu u dhasho ilmo arag leh, waxaana arrintaas loo arkaa nasiib aan caadi ahayn. Dadka tuulada ku nool waxay inta badan ku dhasheen indha la’aan, waxayna ka dhaxleen waalidkood, taasoo ka dhigan in muddo ku dhow 350 sano ay dadka deegaanka dhaxlayaan arag la’aan.

Inkastoo ay yihiin dad arag la’, haddana qoysaska Dali Kamba waxay la yimaadeen adkaysi iyo nolol ku saleysan isku filnaansho. Way beertaan, xoolaha ayay dhaqdaan, waxayna noloshooda ku tiirsan tahay wax soo saarkooda. Waa bulsho muujisay sida ay naafonimada uga guuleysteen, ugana hortageen daciifnimo.

Dadka deegaanka waxay bixiyeen tusaale ka duwan sawirka caadiga ah ee laga haysto dadka naafada ah.

Dr. Muna Al-Hadrami, oo ah saynisyahanad u dhalatay Mauritania, ayaa sameysay cilmi-baaris ay ku ogaatay in cudurka indho la’aanta ee deegaanka Dali Kamba uu salka ku hayo isbeddel hidde-sideed. Waxay tilmaamtay inay heshay xal caafimaad — qalliinka lagu sameeyo carruurta marka ay dhashaan, kaas oo aan qaali ahayn.

Dr. Muna waxay tijaabadeeda ku sameysay Isbitaalka Indhaha ee Paris iyo Jaamacadda Nouakchott. Waxay xustay in daawadaasi si weyn u shaqeyn karto haddii lagu sameeyo carruurta da’ yar, halka dadka waaweyn iyo dhalinyarada uusan waxtar badan u yeelan karin. Si kastaba ha ahaatee, xalkeedii lama hirgelin illaa hadda.

 

Tuulada waxaa ka jira iskaashi bulsho oo aad u weyn, qofka aragga leh wuxuu gacan ka geystaa waxbarashada ama dhaqanka nolosha dadka indha la’, balse dhinacyada wax-soo-saarka sida beeraha, karinta ama xoolo-dhaqashada, dadka indha la’ ayaa si madax-bannaan ugu shaqeysta.

Waxaa intaas dheer in dhallinyarada aragga le ay guursadaan hablaha indha la’, sidoo kale hablaha wax arka waxay la aqal galaan wiilasha indha la’. Tani waxay muujinaysaa bulsho midaysan oo xurmeysa naafonimada, kana fogaata takoorka.

Carruurta tuulada waxay dhigtaan dugsiyo Qur’aan oo ay ku bartaan Qur’aanka, cilmiga shareecada, iyo afka Carabiga — iyagoo aan akhriyin balse si buuxda u xifdiya dhageysi ahaan.

Inkasta oo aysan arki karin xaraf ama buug aysan wax ku qoran karin, haddana bisaylka iyo dedaalka ay muujiyeen ayaa u suurtageliyay inay aqoon helaan, taas oo ka dhigaysa tuulada meel suugaanta iyo diinta si qoto dheer looga yaqaan.

Dadku ma kala gartaan maalinta iyo habeenka — sabab la xiriirta arag la’aanta. Hase yeeshee, habeenkii waxaa lagu caweeyaa gabayo diini ah, aqoon-isweydaarsi suugaaneed, iyo sheekooyin taariikhi ah oo ay dadka ka sheekaystaan si farxad leh.

Dadka deegaanka Dali Kamba waxay si buuxda uga qayb qaataan doorashooyinka deegaanka, waxayna caan ku yihiin isku duubni. Balse codkooda heer qaran lagama maqlo, mana la tixgaliyo.

Tuulada, inkasta oo ay muhiim u tahay siyaasiyiinta xilliyada doorashada, haddana taas waxba kama beddelin xaaladooda nololeed.

 

 

 

 

Comments