Kani waa Rodgers Oloo Magutha, waa 27 jir dadku ugu yeeraan Ninka Shimbiraha, waxay qaarkood u tartamaan inay sawir la galaan.
Ninkan ayaa ku dhashay magaalada Nakuru. Wuxuu jeclaa inuu si
qarsoodi ah ugu dhuunto kaynta hareerta Harada Nakuru si uu u daawado
shimbiraha.
Carruurnimadiisii hore wuxuu ka duwanaa asxaabtiisa oo
shimbiraha ku toogan jiray dhagxaan, isagoo halkii ka baray inay ilaaliyaan.
Laakiin nasiib-darro, markii hooyadiis si lama filaan ah u
geeriyootay isagoo 13 jir ah, noloshiisii way is beddeshay. Wuxuu noqday ilmo
waddo-joog ah, magaalooyin badan ayuu u wareegay, ugu dambayna wuxuu degay
waddooyinka Nairobi.
Magutha wuxuu ku tilmaamaa nolosha waddada “meel ay ku
kulmaan dadka ayaanka daran” agoon, kuwa ka soo cararay guryaha rabshadaha leh,
iyo in kale oo aan lahayn cid ay u laabtaan.
Halkaas ayuu ka helay “qoys beddel ah” oo ka kooban carruur
iyo dhalinyaro kale oo waddooyinka ku nool, kuwaas oo uu la wadaago cuntada iyo
hoyga. Wuxuu isku dayay inuu ku abuuro rajo, isagoo baraya carruurta yar-yar
akhriska iyo qorista.
Isbeddelka noloshiisa wuxuu yimid markii uu helay
shinbir  dhaawacan, taas oo uu u bixiyay
Johnson. Wuu daryeelay, waxayna noqdeen lama kala maarmaan – calaamad rajo ah
oo ka dhalatay nolosha adag.
Magutha, oo loo yaqaan “Ninka Shimbiraha”, wuxuu ahaa qof aan
la aqoon ilaa sannadkii 2024, markii ay Nairobi ka dhaceen mudaharaadyo waaweyn
oo ka dhan ahaa sicir-bararka iyo musuqmaasuqa.
Wuxuu ka dhex muuqday dadka mudaaharaadaya isagoo ay hareer
socdaan shimbirihiisa, sawiradiisina waxay si weyn ugu faafeen baraha bulshada.
Si lama filaan ah, wuxuu noqday astaan u taagan kacdoonka shacabka.
Wuxuu la kulmay jirdil. Intii uu dhulka yaallay,
shimbirihiisii waxay ku sii dhegganaayeen garbihiisa, iyagoo aan ka tegin.
Inkastoo uu caan noqday, noloshiisii ma aysan is beddelin:
weli wuxuu raadinayaa cunto, wuxuu seexdaa waddooyinka, wuxuuna mararka qaar la
kulmaa xasillooni darro uu ka dhex dareemo saaxiibbadiisii waddada, kuwaas oo u
maleeyay inuu lacag badan helay, kaddib caanimadiisa.
Maanta, Magutha wuxuu ku nool yahay xaafad sabool ah oo ku
taalla duleedka Nairobi. Wuxuu nolol maalmeedkiisa ka raadsadaa uruurinta
balaastigga qashinka si uu u quudiyo shimbirihiisa.
Laakiin riyadiisa weli way nool shahay – inuu dhiso xarun
isku keenta carruurta waddooyinka iyo shimbiraha dhaawacan; meel ay carruurtu
wax ku bartaan, cunto ka helaan, isla markaana bartaan naxariista iyo daryeelka
dabeecadda.
Isagoo qosolaya ayuu leeyahay:
“Shimbiruhu waxay nagu qasbeen in dadku na arkaan. Riyada aan
leeyahay waa in bulshada waddooyinka la arko, oo naloo arko bini’aadam – ee
aanan loo arkin khatar.”
Comments
Post a Comment