103 qoys oo deggan xerada Hillaac-wanaag
ee degmada Garasbaalay ayaa sameystay qorshe ay ku helayaan dhul mulkiyadiisa
ay yeelanayaan oo deegaan u noqda.
Arintan oo ah ayuuto ay soo
billaabeen sanadkii 2022 waxay dhul uga gateen deegaanka Bood-boodka ee degmada
Afgooye ee gobolka Shabeellaha Hoose. 
Soddon iyo shan qof oo uu kamid yahay
Maxamed Xasan Cilmi oo 56 jir ah ayaa ku helay hannaan qori tuur ah boos
cabbirkiisu yahay 144 mitir oo isku wareeg ah, qiimahiisuna yahay $450. Waxaa
bil kasta laga qaadaa afar Doollar iyo bar, taas oo socon doonta illaa inta
dhul looga gadayo qofka ugu dambeeya.
Wuxuu sheegay inuusan hadda walwal ka
qabin meel uu deegaansado, haddii xerada lagu amro inay banneeyaan.
“Horta dhul aan leeyahay oo ayuuto oo
maanta aan garab isugu qabanay walaalaheen markii aan helay, qalbigeyga waa
qaboobay, waana farxay, dhulkii waa yaalaa waa bannaan yahay, haddii meeshan
leyga barakiciyo, buushka inaan siibto oo aan iraahdo saan maka bixi karo
nimanyahow, intii meesha dhul ku leheey, ninkii I raacaya ha I raaco, ninkii
aan I raaceynna, aniga meel kale ma falfalaayi, buushkeyga ayaan dhisanayaa oo
meesha aan ku dhisto buushkeyga, taasi ayuu go’aankeygu yahay, “ayuu sheegay
Maxamed.”
10 xero oo ay horay u degeen ayaa
laga saaray qoyska Maxamed, muddo labo sano gudahood ah, markii dadka dhulka
leh ay ku wargeliyeen inay banneeyaan, iyagoon horay u sii war galin. 
Maxamed ayaa rumeysan in
dadkaas ay muhiimadoodu tahay in qoysaska soo barakacay ay uga faa’ideystaan in
dhulkooda ay ka dhigaan mid la deegaansan karo, kadibna marka uu yeesho qiimo
lacageed ay deg deg uga saaraan.
Ninkan ayaa xusay in taasi ay tahay
ballan ka bax iyo xad-gudub lagula kacay marar badan, balse ay dantu ku qasabto
inay maciin bidaan xaaladaas, maadaama ay dhaqaale yaridu ka hor taagan tahay
inay degaan guryaha kirada ah.
Caqabadhaas oo ku soo
noqnoqday ayuu sheegay inay ku dhaliyeen inay la yimaadaan aragtidan oo ay
arkeen inay xal waara u noqon karto. 
 “Maalin walbo inaan dhul baneyno oo haddana
dhulkii oo liibaro ah nalaga raacdeysto oo meel cidlo ah, haddana geed qaadno,
haddana nalaga raacdeysto waa laga roon yahay ee arrintan aan saan ka beddelno,
maxaan sameynaa, ayuuto aan isku darsanno, ayuutada marka la soo uruuriyo hebel
ayaa qaadanaaya ee boos haloo gado, maanta hebel hala siiyo horta 35 ruux ayaan
sidii ku gaarnay, haddana waxaan niyadeyda siday tahay ku faraxsanahay inaan
micnaha booska maanta aniga aan leeyahay inaan leygu qabsaneynin leyna soo
dabogaleynin, “ayuu sheegay Maxamed.”
Maxamed oo ah aabbaha sagaal carruur
ah ayaa nolosha qoyskiisu ku tiirsan tahay qodista godadka qashinka, sidoo kale
xaaskiisa ayaa qabata howl dhar dhaqis ah. Shaqadoodu maaha mid joogta ah. Dhaqaalaha
soo gala maalinka ay shaqeeyaan oo isku dar ah $5 illaa $7 ayay dabka ku
shitaan, kuna iibsadaan biyaha oo jiirkaanka labaatanka liiter ah laga siiyo
labo kun oo Shillin Soomaali ah.
Aqal cooshad ah ayaa uga dhisan
xerada Hilaac oo ay soo degeen sanadkii 2021. Tan iyo xilligaas wuxuu tilmaamay
in carruurtiisu aysan helin waxbarasho toos ah, sababtuna ay aheyd
guur-guuritaanka, waloow hadda ay saddex carruur ah wax uga bartaan iskuul
hoose iyo dhexe ah oo waxbarashadiisu bilaash tahay.
Maxamed ayaa ka soo barakacay deegaanka
Doon Buraale ee gobolka Shabeellaha Hoose, markii roob yari darteed uu u tacban
waayay beer labo heckar ah oo ay ku tiirsaneyd noloshoodu.
Ragga iyo haweenka deggan xeradan waxay
aragtidan u arkaan mid ka saareysa xaaladda barakaca iyo warwarka ay ka qabaan
in la barakiciyo.
Xabiibo Cabdi Kuus oo dadkaas ka mid
ah ayaa Raadiyow Ergo u sheegtay in deegaanka Bood-boodka ay ku xusheen inuu
yahay mid leh dhul beereed ay tacaban karaan iyo biyo, sidoo kalana aan ka
fogeyn magaalada Muqdisho oo u jirta ku dhowaad 30 km. 
Xabiibo 50 jir ah ayaa xustay in
hadda ay leedahay dhul qoyskeeda ku filan oo ay ku heshay afar Doollar iyo bar oo
ay bil kasta ku darsato ayuuto ay qeyb ka tahay.
Waxay sheegtay inaysan wali dhisan oo
aysan hadda dhaqaale u hayn, balse ay xoogga saareyso marka ay ka dhammaato
lacagta laga qaado bilkasta oo ay xustay inay culeys ku tahay, sababtuna ay
tahay inaysan laheyn il dhaqaale oo joogto ah.
Xabiibo ayaa xustay in maalin
taariikhi ah oo xusuus gaar ah u leh ay noqotay markii ay heshay dukumintiga
dhulkooda. Waxay ku tilmaantay wixii ugu muhiinsanaa ee u qabsooma mudda saddex
sano ah oo ay barakac ku tahay magaalada Muqdisho.  
 “Dhul inaan helo waan ku faraxsanahay, wax
weyn ayaan dareemay, qof 10 meel laga soo barakiciyay oo maanta dhulkan adigaa
iska leh la dhahay, haddii uu rabo buushkiisa ka dhisan karo, haddii uu rabo,
haddii uu jaqaf soo uruursado ka geli karo, ee dhulka wax adiga aad leedahay
iyo wax aadan laheyn isku hal ma ahan, haddii naftirkaaga darin bolol ah aad ku
seexato booskaaga cid iga kac ku dhaheysa ma jirto, “ayay tiri Xabiibo.”
Haweeneydan ayaa nolosha qoyskeeda ku
maareysa dambiil ay kaga xamaalato Suuqa bakaaraha iyo mararka qaar oo ay u
aaddo xaafadaha Muqdisho dhar dhiqid. Shaqooyinkan oo maalinka ay qabato ay ka
hesho ugu badnaan $4 ayay tilmaamtay inaysan ka helin dhaqaale ku filan noloshooda.
Seygeeda ayaa isagana wuxuu subax
kasta u kallahaa raadinta shaqo ah qodista god-qodidka qashinka, balse inta
badan uma suuragasho inuu soo helo. Xabiibo ayaa tilmaantay in iskaashigoodu
uusan ka badneyn in hal waqti ay reerku dabka ku shitaan.
 “ Nolosheyna wax marna la helaayo,
marna la weynaayo lee waaye, dabka habeenkii ayaa la shidaa maalintii wixii
habeenki baryay, isku dar lee waaye, wax la kala shidan karo oo qoryo loo heli
karo ma ahan oo qudaar loo heli karo ma jirto, habeenkii ayaa wax loo dhigaa,
maalintii sidaas ayay ku hergelaayaan, suuq oo shaqadeyda wax saas ah ma jiraan
hadda, wadanka waa iska xumaaday , waagii hore ayuu fiicnaa, hadda waa
xumaaday, hadda wax la soo helaayo ma jirto waa calaacal mar aad fikirto, mar
aad deyn qaadato saas lee waaye.”
Xabiibo ayaa sheegtay in xerada ay
deggan tahay waxa kaliya ee bilaashka ah ee ay ku haystaan ay waxbarasho hoose
iyo dhexe ah, taas oo ay u dhigtaan afar carruur ah wax ka barta iskuulka Daaru
thabaad oo hay’ad Turki ah u dhistay siddeed sano ka hor. 
Hoy xumadu waa caqabad ay wajaheyso
saddex sano. Dhulka ay gadatay ayay sheegtay in hadda aysan u guuri karin,
maadaama shaqada ay reerka ku maareyso iyo waxbarashada carruurtaba aysan
halkaas ka heleyn.
Qoyska Xabiibo ayaa ka soo barakacay degmada
Kuntu-waareey ee gobolka Shabeellaha Hoose. Waxay halkaas ku leeyihiin beer
labo hektar ah oo ay ku tacban jireen, Galey, Masago iyo Sisin, waxay sidoo
kale dhaqanayeen 15 neef oo ari ah, balse intaasba abaar ayaa ka saameysay.
Qoysaska deggan xerada Hillaac-wanaag
oo tiradoodu tahay 428 ayaa ka soo barakacay degmooyinka Kuntuwaareey,
Sablaale, Wanlaweyn iyo Qoryooley ee gobolka Shabeellaha Hoose. 
Aragtidan waxaa billaabay Maxamed
Aweys Maxamed oo ah guddoomiyaha xerada, kana mid ah dadka soo barakacay. 
Wuxuu sheegay in marar badan laga
barakiciyay dhulal ay deegaan sadeen, taasi oo ku noqotay caqabad xasilooni
darro ku abuurtay. Wuxuu tilmaamay in aragtidiisa uu u bandhigay dadka la
deggan xerada, kadibna ay ku raaceen inta awoodi kartay inay dhaqaale bixiyaan.
Wuxuu sheegay inay jeclaayeen in
dhulka ay ka gataan magaalada Muqdisho, balse ay awoodi waayeen, qiimahiisa oo
sareeya darteed. 
Dhulka ay ka gateen deegaanka Bood-boodka
ayaa qiimahiisu yahay afartan iyo lix kun, saddex boqol iyo konton oo Doollar
(46,350).
Waxaa laga hor mariyay lacag shan kun
oo Doollar ah, inta kalana waxaa lagula heshiiyay in bil kasta ay bixiyaan hal
boos lacagtiisa.
Maxamed iyo nin kale oo guddoomiye ku
xigeen ka ah xerada ayaa bixiyay lacagta horu mariska ah. Maxamed ayaa xusay in
lacagta uu bixiyay oo saddex kun aheyd ay ka soo gashay beer seddex hekterah oo
uu leeyahay, taas oo uu ka kireeyay ganacsato maalgashanaya.
Wuxuu sheegay in u jeedadiisu aheyd
in dadka uu baro inay ka maarmi karaan inay maciin bidaan dhul aysan laheyn oo
mar walba laga saaro.
 “Waxaan ku dooranay meesha dhulka ka gadanay,
Nus Doollar ayaa loo soo raacayaa, inaan Muqdisho ka shaqeysan karno oo
Afgooyena aan u hoyan karno. Sida loo kala hor maro marka dhulka la siinayo
waxaa waaye baqtiyaa nasiib, qori tuur, nasiib kaaga tijaabinaysaa, baaldi hal
warqad ka soo baxso lagu leeyahay, haddii ay eber ku qoran tahay waa iska baxaysaa,
muran ma qabo, ninkii boos ugu qoran tahay ninkaas ayaa Afgooye loo wadaa asiga
ayaa booska loo soo gadaa, dukumintigiisa ayaa loo soo qorayaa, gacanta ayaaa
laga saarayaa, wuxuu dhiibaa $10 maalintaas la qoraayo dukumiintiga, wax kale
uu dhiibayo ma jirto, “ayuu sheegay Maxamed.”
Maxamed ayaa sheegay in muddo saddex
sano ah ay ku bixiyeen lacag gaareysa shan iyo toban kun, toddobo boqol iyo
konton Doollar, ($15,750).
Maxamed oo ah horjoogaha xeradan ma
heysto shaqo, balse labo xaas oo uu qabo ayaa xerada ku iibiyaan qudaar iyo
bagaash. 
Waa aabbaha 12 carruur ah. Colaado
iyo abaar ayay uga soo barakaceen degmada Qoryooley, 15 sano ka hor. Waxay
halkaasi ku lahaayeen beer, sidoo kale waxay dhaqan jireen ari, 50-kii neef ee
ugu dambeeyay ay abaartu ka leysay.
Soomaaliya,
murannada dhulalku waxay kamid yihiin kiisaska ku soo noq-noqda maxkamadaha,
mararka qaarna ay ka dhashaan iska hor imaadyo sababa barakac iyo dhimasho.
Farxiya
Maxamud Xasan oo ah cilmi-baare ka tirsan ururka maxalligga ah ee Somali Public
Agenda oo daraasad ka qortay adkeysiga iyo isku-filnaanta dadka Soomaaliyeed ee
barakacu saameeyay ayaa ku bogaadisay qormadeeda guusha ay wadajirka ku
xaqiiyeen dadka deggan xerada Hilaac wanaag. 
Waxay
tilmaamtay in dadkan ay u baahan yihiin in si dhow dowladdu uga war hayso, madaama
ay yihiin dad nugul oo loo awood sheegan karo, haddii dhulkoodu uu yeesho
muhiimad gaar ah. 
“Dowladda, ha ahaato maamulka degmada
Afgooye oo kale in dadkaasi laga warqabo, in la siiyo ammaan iyo meel ay ku
badqabi karaan, madaama ay meel bannaan ah ay dhul ka gadanayaan hadda, sidoo
kale in laga caawiyo la haanshiyaha dhulka, in xattaa madaama sabar-loog sharci
ah ay heystaan weli u baahan yihiin in la sii caawiyo sharci ahaan, baakac
gudaha marka uu dhaco waxaa la sameeyaa dadka markii ay muddo ay joogaan oo
kale xeryaha ku jira in lagu celiyo meeshii ay ka soo qaxeen, waxaa kale oo la
sameeyaa in dadka ay la falgalaan ama la midoobaan dadweynihii meeshaasi ku
noolaa oo qofkii guri kireysto, shaqo helo, iskuul carruurtiisa u helo, yacni
bulshada meeshaasi uu kamid noqdo, barakace ama qof xero ku jira uusan sii
ahaanin, dhowr sanno ayay joogeen Xamar, way shaqeynaayaan, shaqooyinkooda ma
ahan wax u suuragelinaayo noloshan dadka caadiga ah ay ku nool yihiin inay ku
noolaadaan, oo weli waxay ku qasban yihiin inay ku sii noolaadaan
buushashkooda, midda kale iyadana ma suuragelin in meel la dejiyo, madaama
dhulkii uu qaali uu ahaa, marka taas ayaa waxay keeneysaa in iyagii ay fikireen
iyagii ay xaliyeen caqabadii ugu weyneyd ay wajahayeen.”
Qoysas
badan ayaa maciin bida inay ku noolaadaan xeryo aan laheyn dammaanad
degganaasho. Waxaa horay u dhacday in barakicin qasab ay qoysas badan ka
dhaxleen hoy la’aan, inay burburaan ganacsiyo yaryar oo ay ku tiirsanaayeen iyo
in carruurtoodu ay waxbarasho la’aan noqdaan.
Comments
Post a Comment