Suuqa garoobada

 

Suuqa garoobada waa mid kamid ah goobaha ugu caansan Nouakchott caasimada Muritaaniya. Waxaa lagu iibiyaa alaabaha iyo agabka lammaanayaasha kala irdhooba.

Haweeneyda marka ay furriinka ka hesho ninkeeda waxay durba abaartaa, halkan si ay ugu soo iibsato alaabaha oo dhan xattaa qaandada iyo agabka cuntada ee gurigeedii burburay, ujeedadu waa inay ka gudubto xusuusahooda.

Haweenkan waxay xafladdan ugu dalbaal degayaan furriinka ay saaxibtood ka heshay seygeedii, farxadda laga dareemaya ayaa ka turjumeysa madax bannaani ay ku taameysay inay xaqiijiso mar uun.

Dalka Mauritania, haweeneyda la furo ma aha mid loo tiiraanyoodo – balse waa mid loo sacbiyo, loona dabaal dego. Waa halka furriinka uu noqday waddo xorriyad, fursad iyo xitaa sumcad bulsho.

Inta badan haweenka la furo waxay sameystaan xaflad weyn oo lagu casuumo qoyska, asxaabta iyo deriska. Waxaa laga dhigayaa munaasabad ay ku muujinayaan farxaddooda iyo inay diyaar u yihiin nolosha cusub.

Rag badan waxay door bidaan haweenka garoobada ah – sababtoo ah waxay haystaan khibrad, deganaan iyo faham nololeed.

Haweenka ayaa awood u leh  inay dalbadaan furriin, iyadoo laga yaabo inay dib u celiyaan meherkii. Tani waxay astaan u tahay sida haweenka Mauritania ay u leeyihiin cod sharciyeed iyo mid bulsho.

Inta badan haweenka la furo ma ahan kuwo ku tiirsan cid kale. Waxay sameystaan ganacsi, waxay helaan fursado shaqo, waxayna noqdaan tusaale ay haweenka kale ku daydaan.

Waxaa laga yaabaa in dunidu furriinka u aragto guuldarro, laakiin Mauritania, waa bilow cusub. Waa halka garoobnimadu aysan ahayn ceeb, balse ay tahay qiime iyo fursad.

Mauritania, oo ah dal Muslimiin ah, furriinku waa mid aad u badan, dadka qaarna waxay maraan in ka badan toban guur. Qarniyo badan haweenku waxay qabanayaan xaflado furriin oo ay cunto, hees iyo ciyaar ku weheliyaan. Dhaqankaas ayaa maanta la jaanqaaday baraha bulshada, iyadoo lagu xardho keegga farriimo faxadeed iyo sawirro.

Furriinka waxaa loo arkaa mid kobciya xorriyadda haweeneyda, haweeney la furayna looma arko ceeb ee waxaa loo arkaa mid khibrad leh. Xafladaha furriinka waxaa lagu muujinayaa farxad, gabayo, muusig iyo cunto dhaqameed.

Inkasta oo guurka hore inta badan waalidiintu go’aamiyaan, haddana haweenka Mauritania waxay si xor ah u doortaan in la furo, waxayna helaan taageero bulsho oo ay kaga gudbaan furriinka si ka sahlan haween badan oo ku nool dunida Muslimka ah.

Mauritaaniya waa dal ku yaalla Galbeedka Afrika, caasimaddiisuna waa Nouakchott, oo ah magaalo xeebeed ku taalla Badweynta Atlantikada. In ka badan 99% dadka reer Mauritaaniya waa Muslimiin Sunni ah.

 

 

 

Comments